Warqad cabasho ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxtooyada Galmudug, oo uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale, kuna socoto Dowladda Federaal-ka, UNSOM, IGAD, Midowga Yurub, AU iyo Ciidama Nabad ilaalinta AMISOM ayey ka cabteen maamulka Puntland.
Warqadda ayaa lagu sheegay in Maamulka Puntland uu xanibaad ku soo rogay Diyaaradihii ka soo dagi jiray Garoonka cusub ee Oshaco International Airport.
Galmudug ayaa Garoonka cusub sameysay kadib markii sida ay sheegeen garoonkii hore ee Qaranka ay isku koobtay Puntland, taas oo loogu daray Dil, Cunaqabateyn, Is-hortaag wufuud caalami ah iyo hay’ado samafal sida ku qoran warqadda Galmudug.
Hadaba Warqadan oo faahfaahsan ka akhriso halkan: