U bood dhigaalka

Galmudug Oo Shaacisay Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha Musharixiinta golaha shacabka looga baahan yahay.

Shuruudaha guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa qeyb ka ah in looga baahan yahay in musharaxa laga rabo warqadda dambi la’aanta oo ay bixiyo C I D iyo shuruudo ay ka mid yihiin bixinta qidmadda musharaxnimada.

Galmudug oo lagu wado in todobaadkan ay ka dhacdo doorashada Shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug.

Kuraastaa ayaa kala ah, HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo dhamaantoda hadda y ku fadhiyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday.