U bood dhigaalka

Galmudug Oo Shaacisay Tirada Ardeyda Ka Qalinjabinayo Dugsiyada Sare

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shaacisay tirda ardeyda ka qalin-jabinayo dugsiyada sare ee deegaannada Galmudug.

Wasir dowlaha wasaaradda Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa sheegay in Sanadkan dugsiyada sare ee ku yaallo Galmudug ay ka qalinjabinayaan 2,216 arday oo dugsiyad sare ah, halku dugsiyada dhexe ay ka qalin-jabinayaan ardey gaareysa 1,943 ardey.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada oo ka hadlayey arrintaas waxaa uu yiri “Ardeyda reer Galmudug oo sanadkan Imtixaanka Fariisanaya ahna Shahaadiga dusiga sare waxay gaarayaan 1,116 ardey, halka ay gaarayaan 1,943 ardey oo iyagana u soo gudbi doona dugsiga sare”.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare ayaa bilaabanaya 19 bishan kaasi oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada dalka.

Goobjoog News