U bood dhigaalka

Galmudug Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Darees Ciidan Oo Loo Waday Al-shabaab

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in gacanta ay ku dhigeen darees ciidan oo ay tilmaameen in loo waday dhanka Al-shabaab.

Dareeskan ayeey sheegeen in laga keenay dhanka magaalada Boosaaso, islamarkaana ciidamada amniga Galmudug ay qabteen.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:-

Cadaado, 16 July 2016—Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 14-,kii bishan July magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu qabtey dareeska milatariga Soomaaliya oo gaaraya 200 ilaa 250 joog. Dareeskaas ayaa waxaa laga soo qaaday magaalada Boosaaso, waxaana la rumeysan yahay in loo wadey maliishiyaadka argagixisada Al Shabaab ee degaanka Xarardheere.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug , Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ku ammaanay ciidanka amniga Galmudug hawlgalka ay ku soo qabteen dharkan.

Madaxweyne Ku-Xigeenka ayaa ka codsadey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay soo dhisto guddi soo baara arintan, guddigaasna uu ka yimàado Wasaaradaha Gaaashandhigga iyo Amniga ee DFS, iyo maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dagaal adag kula jira argagixisada Al Shabaab, waxaana ka go’an ciribtirka kooxdan nabad diidka ah.

DHAMAAD