U bood dhigaalka

Galmudug Oo Soo Bandhigtay Haweeney Kenyaan Ah Oo Burcad Laga Soo Furtay

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Cadaado ku soo bandhigay Haweney la sheegay in ay soo bad-baadiyeen Nabad sugidda taas oo muddo ay gacanta ku hayeen rag burcad ah.

Loise Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah ayaa 2-sano u afduubneed koox burcad ah oo ku sugan Galmudug ayaa xuriyadeeda heshay kadib dadaal ay sameeyeen ciidamada Galmudug.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gabdhan uu ka muuqato duruufo.

“Waxaan 2 sano u qafaalnaa dad aan nariis lahayn, xalay ayaa ciidamadu i soo badbaadiyeen, waxaan hadda la joogaa madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb qaatay soo dayntayda, waxaan dhihi karaa ma fududayn, waana nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug” ayay tiri Loise