U bood dhigaalka

Galmudug oo Xeradii Labaad Ku Xareysay Ciidan Ka Mid Noqonaya Daraawiishta Maamulkaasi

Sheeko:Amniga

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga Dawladda Galmudug Axmed Macalim Fiqi wuxuu isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Xerada Tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiirro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug  kana mid yihiin wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Md. Cabdisaabir Nuur Shuiriye iyo wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa ka mid ahaa wasiiradii la hadlay ciidamada lagu xareeyey ee ka kala yimid degradatie Cadaado iyo Galinsoor.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaankarroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye.

Hawsha xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaalka ee ay waddo wasaaradda amniga ayaa wajigeedii labaad ka bilowday gobolka Galgaduud ka dib markii maleeshiyaadkii gobolka Mudug lagu guulaystay in la xareeyo loona furey tababar todobaadkii hore.Image may contain: 5 people, people standing and outdoor Image may contain: 1 person, standing, sky, wedding, outdoor and nature Image may contain: one or more people, people standing, sky, tree, cloud, outdoor and nature Image may contain: 1 person, standing and outdoor Image may contain: one or more people and outdoor Image may contain: one or more people, sky and outdoor Image may contain: one or more people, sky, outdoor and nature Image may contain: sky, cloud and outdoor Image may contain: people standing, sky, car, outdoor and nature Goobjoog News