U bood dhigaalka

Galmudug: Puntland Wey Ka Gaabisay In La Fuliyo Heshiiskii Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Guureeye ayaa sheegay in weli xal rasmi ah laga gaarin dagaalladii magaalada Gaalkacyo bishii December ee 2015 ku dhex maray iyaga iyo Puntland.

Waxa uu tilmaamay wasiiru dowluhu in qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey aysan weli ka fulin dhanka Puntland taasina caqabad ay ku tahay wada noolaanshiyaha Labada bulsho isaga oo xusay inay ka fiirsanayaan ka qeybgalka shirarka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee lagu qabanayo deegaannada Puntland maadaama dhankooda aysan kasoo qeybgalin shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug, loogana hadlay arrimaha siyaasadda dowladaha hoose.

“Golaha wasiirada Galmudug shirar ayaa u socda, waxaad la socotaa in maamulka Galmudug iyo Puntland dagaal ku dhexmaray Gaalkacyo waxaa nadeynta dagaalkasi ka qeyb qaatay dowladda Federaalka iyo caalamka, sidaad la socoto waxaa lagu heshiiyey Afar qodob oo dagaalkaasi lagu xakameeyay illaa haddana qodobkii ugu muhiimsanaa ma aanu hirgelin, wada hadal lagu yeelan lahaa Kismaayo waxa u ka socon waayey dhanka Puntland” ayuu yiri Guureeye.

Inooma suurta gelin in dhanka Puntland aynu wax ka weydiinno dhaliilahan kaga imaanaya Galmudug State.

Hadalkaan kasoo baxay Galmudug ayaa imaanaya xilli weli Labadan maamul aanay wax heshiis ah ka gaarin dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2015.

Goobjoog News