Wararka aanu ka heleyno xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi uu isku qarxiyey qof isa soo miidaamiyey.
Qaraxa oo uu lala damacsanaa gudaha xarunta ay ku shiraan Ahlu-sunna ayaan suuto-gelin, waxaa uuna ku qarxay meel dibadda ka ah.
Khasaaraha ka dhashay waxaa la sheegayaa inuu yahay 2 dhaawac ah, marka lagu daro dhimashada qofkii naftiisa hormariyey, ee qaraxa watay.
Dhuusamareeb waxaa ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre oo todobaadyadan u joogay arrimo la xiriira dhismaha Galmudug.
Goobjoog News