U bood dhigaalka

Galmudug sii Xasilayso: Miisaaniyadda ayaa korortay ku dhowaad 60% sanadkan 2021

Sheeko:Amniga

Qore: Maxamed Cabdimalik

Dabayaaqadii bishii Juun, dowladda Galmudug waxay soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2021 oo gaareysa US$ 27 milyan oo doollar. Miisaaniyaddani oo ahayd tii ugu badanayd abid, ayaa u dhigantaa koror 58% marki loo eego tii sanadki 2020. Ka dib dhowr sano oo koror yar oo joogto ahi, marka laga reebo hoos u dhaca sanadki 2019, Galmudug ayaa labadii sano ee la soo dhaafay diiwaan gelisay koror miisaaniyadeed oo aad u ballaaran.

Waa Maxay Miisaaniyadda?

Sanad kasta dowladaha maamul goboleedyada iyo tan federaalka waxay soo saaraan qorsheyaal lagu qoondeeyo maalgelinta adeegyada iyo barnaamijyada bulshada Soomaaliyeed. Miisaaniyadda waxa ku xusan howlaha ay dowladda siinayso mudnaanta, lacagaha la qoondeeyey iyo dakhliga la filanayo.

Dakhliga miisaaniyadda wuxuu inta badan ka

yimaada canshuuraha, deeqaaha ama ijaar waxaana lagu maalgaliyaa adeegyada asaasiga sida difaaca, amniga, musharaadka shaqaalaha iyo caafimaadka.

Miisaaniyadda Galmudug ee 2021 waxa ay shaqeyn doontaa laga bilaabo 1da Janaayo ilaa 31da Diseembar.

Sidee loo kharash garayn doona miisaanayada?

Si guud, miisaaniyadda Galmudug ee sanadkan 88% waa kharashaadka joogtada ah sida mushaaradka ciidanka iyo shaqaalaha, iibka alaabta yaryar, adeegyada xafiisyada, shidaal, kiro, kulan iyo safarrada.

Kharashaadka ugu badan waxaa loo asteeyey adeega arimaha gudaha, amniga iyo xallinta khilaafaadka, waxaana sanadkan loo qoondeeye wadarta lacag gaaraysa US$ 7,735,896 una dhiganta kudhowaad saddex meelood meel (28%) qarashka guud ee miisaaniyada.

10ka Lacagaha Ugu Badan Loo Qoondeeye

Hey’adda qarashka ugu badan loo qoondeeye waa wasaaradda amniga, waxaana loogu talogalay in sanadkan ay isticmaasho US$ 4.9 milyan oo u dhiganta ku dhawaad 20% wadarta guud.

Dhanka kale, shanta wasaaradood ee ugu qoondada badan ayaa wadar ahaan loo qorsheeyey US$ 16.6 milyan ama 61% miisaaniyada. Lacagta hartay ayaa loo qorsheeye inay isticmaalan 27 wasaaradood iyo wakaaladood, waxaan midiiba celcelis ahaan kusoo aadayo lacag ka yar US$ 200,000.

Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa sanadkan loo qorsheeyey lacag gaaraysa US$ 310,715, wasaaradda haweenkana US$ 293,015, wasaaradda dhaliyarada iyo isboortigana waxaa loo qoondeeye 173,618. xafiiska garyaqaanka guud oo qarashki ugu yara sanadkan loo qorsheeye ayaa waxaa isna u qoran US$ 60,100 kaliya.

Ilaha Dakhliga

Wasaarada maaliyada ayaa sanadkan qorshaynaysa in dakhliga gudaha laga soo xareeyo US$ 11 milyan oo u dhiganta in kabadan seddex laab lacagti la qabtay sanadkii 2020 (US$ 3.4 milyan).

Dakhligan xoogan ayaa la filanaya inay kasoo kordhaan labo ilo: canshuuraha alaabada & adeegyada iyo canshuuraha wax isdhaafsiga. Sanadkan 2021 waxaa Galmudug rajaynaysa in labadan ilo laga soo xarayn doono US$ 10 milyan, halka sanadki hore iskujir laga heley kaliya US$ 3.3 milyan.

Inta ka dhiman miisaaniyadda sanadkan oo ah 16 milyan (ama 59%) waa kab laga rajaynaayo inay ka imaan doonan deeqaha dowladda federaalka, mashaaricda ururada caalamiga iyo dowladaha shisheeya.

Miisaaniyadda Galmudug ee 2021 ayaa mudnaanta siinsaysa 13 qodob oo ay qaar ka mid yihiin hirgelinta siyaasad loo dhan yahay, abuurista jawi nabdoon, ka hortaga COVID-19, xafiisaynta 10 wasaradood, shaqo abuur 5000 oo dhalinyaro ah, dib u dhiska ciidanka booliska iyo daraawiishta.

Horumarka laga sameeye xasillinta Galmudug, uruurinta iyo maamulka canshuuraha ayaa loo aanaynaaya sare u kaca ballaaran ee miisaaniyadda sanad maaliyadeedka 2020 iyo 2021.

 

Maxamed Cabdimalik waa weriye madax banaan ahna madaxa Xaruunta la Socodka Marin Habaabinta ee FESOJ. Kala soco bartiisa Twitter-ka @mabdimalik