U bood dhigaalka

Galmudug: Waa Lagama Maarmaan Xaqiijinta Amniga Degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay xaqiijinta amniga degmada Cadaado iyo guud ahaan midda deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in cid walbo oo ku sugan deegaannada Galmudug uu waajib ka saaran yahay ka qeybqaadashada sugidda amniga.

Waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay dagaalkii dhawaan ka dhacay nawaaxiga garoonka degmada Cadaado, balse waxa uu sheegay in mar kale aan loo dulqaadan doonin dhiig dambe oo la daadiyo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka Galmudug in ay shaqadooda u gutaan si hufan islamarkaana ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan shacabka.

“Nabadda dadka dhan baa u baahan, waxaa loo baahan yahay in dadka oo dhan nabadda ka wada shaqeeyaan, ka hortagaan wixii shar ah, wixii qaldan inay ka tagaan wixii toosanna la qaato, waxaan rajeynaynaa in mar kale aanu dad naga dhiman, waa lagama maarmaan xaqiijinta amniga degmada Cadaado iyo guud ahaan deegaannada Galmudug, wasaaradda amniga iyo ciidankeeda waxaan ka rajeynaynaa inay amniga guud sugaan” ayuu yiri wasiirka.

13-kii bishan ayaa dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyaad hubeysan waxa uu ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee degmada Cadaado, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News