U bood dhigaalka

Galmudug: Wax Walbo Oo Lagu Xalinayo Dagaalka Miircowleed Diyaar Baan u Nahay

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wax walbo oo lagu xallinayo dagaallada kasoo cuboonaaday deegaannada Miircowleed iyo deegaannada kale ee ku dhow xadka Itoobiya ee Galgaduud.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyey ee Goobjoog News ayaa sheegay in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalladaasi.

Waxa uu tilmaamay in dad shacab ah oo degganaa deegaannada Daacdheer iyo Kaxandhaale ay soo barakiciyeen ciidanka Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay hadane uga daba yimaadeen deegaannadii ay dadkaan kusoo qaxeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in degmada Cadaado ay todobaadkaan kusoo wajahan yihiin xubno ka socda dowladda Itoobiya si looga wada hadlayo dagaallada dhacay.

“Xubno ka socda dowladda Itoobiya ayuu qorshuhu yahay inay noo yimaadaan, hade waxa laga hadli doono waa shacabkaan lasoo weeraray iyo sidoo kale meelaha ay qabsadeen ciidanka Liyuu Booliis, annaga ka Galmudug ahaan diyaar baan u nahay wax walbo oo lagu xallin karo dagaalladan” ayuu yiri Wasiirka.

Dagaallo u dhaxeeyay dad shacab ah iyo ciidanka Liyuu Booliis ayaa ka dhacay deegaanka Miircowleed iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka Galgaduud, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Goobjoog News