U bood dhigaalka

Galmudug: Waxaan Dilnay 23 Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa guul ka sheegtay dagaallo shalay dhexmaray ciidankooda iyo kuwa Al-shabaab, waxaana maamulka uu sheegay inay dileen dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay tuulooyinka ku dhow Af Barwaaqo ay ku dileen 23 ka tirsan Dagaalyahannada Al-shabaab, sidoo kalena ay gacanta ka dhigeen 13 kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaalyahannada Al-shabaab ee ay la dagaallameen ayuu sheegay inay kasoo firxadeen dagaalladii Garacad.

“Cadowga waxaa gaaray khasaare xoggan waxaan ka dilnay 23, waxaa nolosha looga qabtay 13 kale, saanado Milatari baa laga furtay, dhankeena 7 askari ayaa naga dhaawacantay, waxay kasoo firxadeen dagaalladii Garacad, ciidankeena wuu ogaa wuuna kahor tagay” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiir Cismaan ayaa sheegay in uu jiro is faham wanaagsan oo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana uu hoosta ka xariiqay iney xoojinayaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaan dhacay iyo sidoo kale khasaaraha la sheegay in dhankooda uu soo gaaray.

Goobjoog News