U bood dhigaalka

Galmudug: Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb Oo Maanta Degan

Sheeko:Amniga

Sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud waxaa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo maalin ka hor ay soo gaareen dad ka yimid magaalada Guriceel ee gobalkaasi.

13-kii bishan ayaa ciidamo ka tirsan nabad sugidda Soomaaliya gaar ahaan kuwooda ku sugan Galmudug waxa ay is hor istaag ku sameeyeen dad isugu jiray Odoyaal, Haween iyo Carruur kuwaas oo doonayay in ay galaan magaalada Dhuusamreeb oo qaarkood ay la madalsanaayeen madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu sunna, waxaana ishor istaagaasi ka dhalatay xiisad.

Wararka qaar ee aan helnay ayaa sheegaya in dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda laguna taageerayo Sheekh Shaakir ay abaabulayaan dadkii ka yimid magaalaa Guriceel, waxaana dibadbaxyadaasi ka feejigan ciidanka dowladda ee Dhuusamareeb ku sugan.

Amaanka guud ee caasimadda Galmudug ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddoyinka lagu arkayaa askar fara badan oo daadsan meelaha ugu muhiimsan ee magaaladaasi.

Isku socodka dadka iyo kan ganacsi ee Dhuusamareeb ayaa la soo sheegayaa in uu dib u soo laabtay ka dib muddo kooban oo uu hakad ku jiray.

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagaan ururka Ahlu sunna iyo dowladda dhexe, waxaana xusid mudan in hogggamiyaha ugu sareeya Ahlu sunna ee Macallin Maxamuud uu ku baaqay in dadka ay qaataan hubkooda ka dib ishor istaagii lagu sameeyay dadkii ka yimid Guriceel ee ku wajahnaa Dhuusamreeb kuwaas oo doonayay in ay kulan la qaataan hoggaanka ururkaasi.

Goobjoog News