Galmudug: Xoogga Dalka oo Kala Dhexgalayo Beelo Diriray

Ciidamo ka tirsan Taliska 21-aad ee xoogga dalka ee deegaannada Galmudug ayaa maanta gaaray deegaannada xuduuda gobalka Galgaduud uu lawadaago dalka Itoobiya oo maalinimadii shalay ay ku dagaalamaeen labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega.

Ciidamada oo isugu jiro Milatari, booliiska iyo nabad sugid ayaa u jeedkooda lagu sheegay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen labada dhinac loona kala qaadi Maleeshiyaad weli isku hor fadhiyo halkii lagu dagaalamay iyo in la baajiyo inuu dhaco dagaal kale.

Taliyaha ciidamada NISA ee Galmudug Mahad Cumar Muumin oo hoggaaminayo ciidamada gaaray deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in la kala qaado labada ciidan ee dagaalka uu dhaxmaray kaas oo khasaare uu ka soo gaaray labada dhinac oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Ciidamada ayaa fariisimo ka dhigtay afaafka hore ee halkii lagu dagaalamay ee deegaanka Furinta-foore ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee dhanka dowlad deegaanka Somaalida waana halkii uu ka bilowday dagaalka labada dhinac, waxaana socdo dadaal lagu wado sidii lagu kala qaadi lahaa labada Maleeshiyo kuwaas oo murankooda uu ka bilowday dhul daaqsimeed Ilaa 20 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedka iyada oo in ka badan ku dhaawacmeen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW