U bood dhigaalka

Galmudug: Xulasho ay Kusoo Bixi doonaan Siyaasi Mucaarad ah iyo Mid kale oo Eedeysane ah

Sheeko:Amniga

Waxaa beri oo Isniin ah magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada 4 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Caawa ayaa la soo gabagabeeyay bixinta shahaadada musharnimada Afarta kursi ee kala ah HOP#007, HOP#053, HOP#040 iyo HOP#138.

Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhamaaday waxa kuraastaan ku matalayay xildhibaanada kala C/laahi Faarax Wehliye oo ku fadhiyay kursiga HOP#007, Nadiifo Faarax Jaamac  oo ku fadhisay kursiga tirsigiisu yahay HOP#040 , Saciid Nuur Qayliye “Siciid Giriish” oo ku fadhiyay kursiga HOP#138  iyo Faarax Cabdi Xasan oo ku fadhiyay kursiga HOP#053.

Waxaa illa iyo hadda kuraastaan isku diiwaan geliyay musharixiinta kala ah  Farah Cabdi Diini iyo  Mohamed Cabdi Cali oo u tartamaya kursiga HOP#007,  Cabdullaahi Aadan Kulane “Jiis oo kamid ah saraakiisha Farmaajo iyo xulafadiisa sanadkaan u xusheen kamid noqoshada baarlamaanka iyo Xasan Cabdi Jaamac oo u wada tartamaya kurasiga HOP#040 iyo  Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee shanti sano ee Farmaajo lagu dhibaateeyay shaarka dowladnimada iyo  Naciimo Xuseen Cali oo u tartamaya kursiga HOP#138.

Doorashada beri ka dhaceyso dhuusamareeb ayaa ah mid ka saameyn iyo hadal hayn badan doorashooyinkii hore, iyadoo hadal haynta ugu badan ay ka dhalatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo 2017 gurigiisa ay ku weerareen ciidamo ka amar qaata NISA iyo Kulane Jiis oo kamid ah shaqsiyaadka lagu eedeyay shantii sano ee la soo dhaafay in dalka uu ka geeystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha, xilli Kulane Jiis iyo xubna kale kiiskooda uu ka furan yahay Maxkamadda.

Kulane Jiis iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana la rumeysan yahay in ay ku soo bixi doonaan kuraasta ay beri u tartamayaan.

Goobjoog News