Galmudug: Puntland waxay doonaysaa qabsashada Mudug iyo hor istaaga maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud
Afhayeenka Galmudug Faysal Cabdi Jimcaale ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku eedeeyay maamulka Puntland in ay ka baaqsadeen shir wada hadal oo maanta lagu balan sanaa
Shir Saxaafadeedka ayaa yimid kadib markii shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Galmudug, iyadoo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid, waxaana shirkaas looga hadlay sida uu sheegay Jimcaale dhexdhexaadintii R/wasaaraha Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Galmudug iyo Puntland furaan wada hadal nabadeed.
Faysal ayaa Saxaafadda ka hor akhriyay qodobo uu sheegay inay kasoo baxeen shirka wasiirada, qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Puntland ka baaqsatay shir maanta lagu balansanaa, In Puntland qorshaheedu yahay qabsashada Mudug, In Galmudug diyaar u tahay wada hadal iyo baaq ay Galmudug u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ah inay soo faragaliyaan arinta.
Hadaba Shirkii Jaraa’id oo faahfaahsan halkan ka dhageyso.