U bood dhigaalka

Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Diley Suuqa Bakaaraha

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay rag hubeysan halkaasi ku dileen Nuur Kheyre Guutaale oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in raggii dilkaasi geystay ay goobta isaga baxsadeen waxaana halkaasi gaaray ciidamada DFS.

Ciidamadan ayaa wada howlal ballaaran oo la sheegay iney ku baadigoobayaan raggii dilkaasi ka dambeeyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News