U bood dhigaalka

Ganacsade Caawa Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo gobolka Mudug waxay ku dileen Ganacsade Cumar Cabdulle Dheere oo ka mid ah ganacsatada ugu caansan gobolkaasi.

Ganacsadahan ayaa lagu dilay xaafadda Israaca ee magaalada Gaalkacyo iyadoo raggii dilkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen.

Cumar dheere ayaa ahaa guddoomiyaha ganacsatada gobolka Mudug ee Puntland sidoo kalena waxa uu ahaa maareeyaha Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Gaalkacyo.

Ciidamada Puntland oo gaaray halka dilkaan uu ka dhacay ayaa wada howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News