U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Dilay Degmada Dharkeenley Ee Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa saakay waxay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah ganacsatada degmadaasi.

Ganacsadahan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aadan Afgooye ayaa la sheegay in la dilay xilli uu furayey xaruntiisa ganacsi oo ku taalla Boosteejada gaadiidka dadweynaha ee Salaam.

Goobjooge ka gaabsaday in magciisa aan baahinno ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobtaasi ka baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta dilkan uu ka dhacay, waxaana ay wadaan howlgallo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News