U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in koox ku hubeysan Bastoolado ay ku dileen gudaha magaalada nin gacansade ahaa, kaas oo siweyn looga yaqaanay gudaha iyo gobolka Sool, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan dilka ganacsadaha.

Ganacsadaha dilka loo geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye oo noqonaya qofkii ugu horeeyay ee qof caan ah lagu dilo magaalada tan iyo markii dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo SSC uu ka qarxay, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday falka kadib.

Magaalada Laascaanood dilka loo geystay ganacsadaha ayaa waxaa uu noqonayaa dikii 3 aad mudo afar cisho ah  gudahood, oo lagu dilo  qof  Reer Laascaanood ah magaalada, mana jiro war kasoo baxay xooggaga deegaanka ee ku aadan dilalka kusoo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC ayaa ka bilowday dila lagula kacayay dadka haldoorka magaalada ah, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa dilalka kusoo laabtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ay hadda ku sugan yihiin xoogagga deegaanka SSC.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bishii labad oo xiriir ah ka socda dagaalka u dhaxeeya xoogagga deegaanka iyo ciidanka Milatariga Somaliland, waxaana inta badan isaga barakacay magaalada dadkii Rayidka ahaa, kuwaas oo ka baxsanayay madaafiicda ku dhaceysa magaalada oo khasaare badan u geystay.

Goobjoog News