U bood dhigaalka

Ganacsadihii Labaad Oo Shan Cisho Gudahood Lagu Dilay Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Deegaanka Buulomareer ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay ganacsade aad looga yaqaanay deegaankaasi, xilli howlihiisa shaqo uu ku guda jiray.

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa sheegaya in ganacsadahaan oo lagu magacaabayay Saciiid Kurumba ay dileen rag hubeysan oo ugu yimid xaruntiisa ganacsi, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Buulomareer ayaa u sheegay Goobjoog News, in ganacsadahaan loo dilay aano qabiil oo halkaasi ka muddoyinkaanba ka jirta.

“Kolley aano qabiil ayaa la’isku dilaayay maalmahaan dambe deegaanka, ganacsadaha rag hubeysan ayaa toogtay, ka dibna wey baxsadeen, deegaanka dhan waxaa ka taagan cabsi aad u daran”

Sidaan oo kale ayaa 12-kii bishaan waxaa deegaanka Golweyn lagu dilay ganacsade magaciisa lagu soo gaabiyay Galad, kaasi oo ay dileen rag hubeysan, waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada ugu caansan deegaanka Buulomareer.

Dilalka la xiriia aanooyinka qabiil ayaa kusoo badanaya deegaannada gobalka Shabellaha Hoose, xilli cabsi dagaal ay ka jirto gobalkaasi.

Goobjoog News