U bood dhigaalka

Ganacsatada Degmada Baardheere Oo Cabasho Ka Ah Maamulka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Ganacsatada ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa cabasho ka ah maamulka degmadaasi oo ay sheegeen in dhibaato ay kala kulmaan xilliga ay degmadaasi keenayaan alaabaha ganacsi ee dhanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka uga yimaada.

Ganacsatadan qaarkood uu lasoo xiriiray Goobjoog News waxay sheegeen in gaadiidka la marsiiyo baaritaanno amni xaqiijin ah, balse markii ay AMISOM baarto kadib ay gaadiidka hadane qabsadaan xubno ka tirsan maamulka degmada Baardheere si loo siiyo lacago laaluush ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale ganacsatadan ayaa tilmaamay in haddii dhibaatada lagu hayo howlahooda shaqo ay keeni karto in gabi ahaanba hakiyaan shaqooyinkooda, taasi oo saameyn ku yeelan karta shacabka ku dhaqan degmada Baardheere.

“Walaalow waxaan cabasho ka nahay maamulka degmada Baardheere, markii aan alaabta soo marsiinno baaritaanka AMISOM oo waxna laga waayo hadane shaqsiyaad baa gaadiidka nooga dhegaya si ay lacag u helaan, taasina annaga dhibaato bay inoo tahay” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada lasoo xiriirtay Goobjoog News.

Ugu dambeyn ganacsatadan ayaa ugu baaqday maamulka Jubbaland in ay wax ka qabtaan xubnahan ka tirsan maamulka degmada Baardheere.

Dhanka kale Goobjoog News ayaa xiriir ay la sameysay maamulka degmada Baardheere, si arrintan wax looga weydiiyo u suurtagelin.

Goobjoog News