U bood dhigaalka

Ganacsatada Dhuxusha Oo Walaac Ka Muujiyey Go’aanka Lagu Mamnuucayo Jarista Dhirta

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah ganacsatada Dhuxusha ayaa walaac ka muujiyey go’aan ka soo baxay dhowaan golaha wasiirrada kaasi oo mamnuucaya jarista dhirta iyo in aan laga sameyn Karin Dhuxul.

Ganacsatada ayaa sheegay in aysan heysan shaqo kale oo ay ku xamaashaan iyaga oo ka codsaday dowladda in ay u sameyso shaqo kale oo badal ah maadaama la mamnuucay jarista dhirta oo laga sameyn jiray Dhuxusha.

Soomaaliya waxaa ka muuqata dhibaatooyin badan oo dhanka deegaanka ah, taasi oo loo sababeynayo in ay u keentay xaalufinta lagu hayo dhirta.

Dhowaan ayey aheyd markii golaha wasiirrada ay soo saareen go’aan lagu mamnuucayo xaalufinta dhirta iyo ka sameynta Dhuxusha waxaana arrintan cabasho ka muujiyey ganacsatada Dhuxusha.

Goobjoog News