U bood dhigaalka

Ganacsatada Gobalka Galgaduud Oo Soo Dhaweeyay Barnaamijka Gurmad Iyo Gargaar Ee Goobjoog News

Sheeko:Dalka

Ganacsatada ku sugan gobalka Galgaduud qaarkood ayaa taageeray Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ee Goobjoog News, kaasi oo lagu baraarujinayo shacabka Soomaaliyeed si ay ugu gurmadaan walaalahooda ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.

Ganacsade Cabdullaahi oo ka mid ah ganacsatadaasi ayaa sheegay in Barnaamijkaan uu yahay mid loo baahanaa, islamarkaana ay Goobjoog ku amaanantahay sida ay shacabka ugu gurmanayso walibana u baraarujinayso.

Waxa uu tilmaamay in cid walba oo Soomaaliyeed waajib uu ka saaran yahay sidii ay ugu gurman lahayd shacabka dhiban islamarkaana isku daraan qarashaad si dadkaasi dhibaatada looga soo saaro.

“Muddo badan waan dhahnay caalamka hanoo gurmado, laakiinse maanta waxaan rabnaa in aan isku gurmano warbaahinta oo dhan ay ka qeybqaadato, waa in lacag la’isku daraa Akoonno la furo, ganacsatadana kaalin weyn ayaa ka qaaataan in shacabka Soomaaliyeed ee Yemen iyo Kenya u gurmato” ayuu yiri Ganacsade Cabdullaahi.

Soomaali badan ayaa ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya, waxaana shacabka Soomaaliyeed xilligaan looga baahan yahay in ay u gurmadaan dadkaasi, maadaama dadkani aysan hadda muuqan cid kale oo u maqan.

Goobjoog News