U bood dhigaalka

Ganacsatada Muqdisho Qaarkood Oo Cabasho Ka Ah Maamulka Gobolka Banaadir.

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee mehradaha ganacsi ku leh magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey maamulkaa gobolkaa Banaadir, taasi oo ku aadan Boorar ku qornaa Af Qalaad oo ay sheegeen in nidaam aan sax ahayn looga burburiyey.

Waxay sheegeen ganacsatadan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, in maamulka gobolka looga baahnaa in go’aanka burburinta boorarka Afka Qalaad lagu qoray markii ay gaareen si siman dadka oo dhan looga fujiyo.

“Magacaygu waa Ismaaciil Xasan Maxamed, aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddan waxaan halkaan ka sheegayaa in cabasho  ka nahay maamulka Gobolka Banaadir, boorarkii ganacsigeenna kusoo bandhigeynay ayeey inaga buufiyeen iyaga oo sheegaya in ay la dagaallamayaan afafka qalaad, aniga boorkaan qarash badan ayaa iga galay, illaa hadda ma awoodo inaan bedasho, dowladda waxay xaq u leedahay inay digniin isiiso, laakiinse waa la yimid rinji ayaana nalaga mariyey,  iyadoo howshaasina aanay hadda socon, midda kale iyaga ayaa la rabay iney iska soo billaabaan oo xafiisyadooda Farta Soomaaliga ku qoraan”

Ganacsade kale oo ka gaabsaday magaciisa ayaa isna yiri “Waxaan ka mid ah ganacsatada ku sugan wadada Makka Al-mukarrama, maamulka gobolka Banaadir wuxuu soo rogay in boorarka laga bedalo English-ka, annaga qarash kale baa nala geliyey, boorarkii waa la burburiyey, waxaana maalmo kadib la sheegay in la joojiyey howshaasi, dadka qaarna sidooda ayeey u haystaan, cabasha aan qabno waxay tahay inta la fulin amaradda in laga soo baaraan dego waayo dadna fujiya dadna ha iska haystaan wax soconaya ma ahan”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay ammar ugu bixiyey in xarumaha ganacsiga fujiyo magacyada Afka qalaad, laguna bedalo Afka Soomaaliga, wallow maalmo kadib ammarkaasi la hakiyey.

Goobjoog News