U bood dhigaalka

Ganacsatada Qaadka oo Cabasho Ka Ah Dad Garab Ka Heysta Dowladda

Sheeko:Dalka

Ganacsatada Qaadka ee Muqdisho oo ka cabanaya dad kala wareegay hawlaha ayaa ku dooday in la hoos geeyey soo dejinta Qaadka dad ay qaraabo yihiin Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Mid ka mid ah ganacsatada oo arrintaas kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Niman aan xeerka jaadka aqoon oo Youtube laga soo dejiyay oo aan ganacsi jaad aqoon oo intaas iskugu timid 40 sano in aan ka yareyn ayaa gadeynaa Qaad, haddana waa la afduubay dad gooni ah ayuu u afduubanyahay umadda ilaahey baa og toban jeer ayaa sheegnay, annaga waxaa dacwad ka nahay dadka uu jaadka u afduubanyahay madaxweyne Farmaajo walaalkiis ayuu u afduubanyahay iyo saddexda nin ee u shaqeysa waa in nalaga soo gaaraa “.

Ganacsatada kale ee Qaadka oo la hadlay Goobjoog News waxaa ka mid ah hadalladooda: “ Waxaan cabasho ka nahay Jaadka hareeriga ah dad ayuu u qorsheysanyahay oo saddex qof ah anagana waxaa nahay dad shacab ah oo ku dhiban, waxaa naloo keenaa jaad dhagaxyo ah oo qoryaa”.

Qof kale oo iibiya Qaadka ayaa yiri “ waa ku dhibannahay khaadka waxaan waligeen aragnay maahan waxaa la yaabnay nuucaas qoryaha ah oo wax naga ceshanaayo aysan jirin waa qashin jaad maahan dad aan Naxriis la heyn ayaa nala hoos geeyay”.

Qof kale ayaa yiri “ nimanka jaadka u yimaado iyaga oo aan jaad u imaan ayaa anaga hareeriga noo imaan jiray boorsooyin ayaa hargeysa ka keensannaa waa nalka dhacay waa keesannaa waa nalka dhacaa nimanka garoonka jooga waxay u shaqeeyaan nimanka qaadka keensada ayay u shaqeeyaan hal marduuf oo kale meel kama keeni kartid tan labaad kii $5 doolar jooga waxay ku rabaan $10 doolar”.

Mid kale waxa uu yiri “ dowladda waxaa u sheegeynaa waa dulmannahay meel aan u dacwoono ayaa weynay wax nala hadla ayaa weynay waa dulmannahay ugu yaraan halsano ayaa hareerigaas nalu ku heystaa dadbaa naloo gardarduubay si xorana maahan dowladana waa ay u jeedaa marka dulmigaas hanalga soo gaaro hoos ha noloo fiiriyo”.

Codsi ay u direen ra’isul wasaaraha “ waa dadkii jaadka ka ganacsanaayay oo ganacsi kale heysan oo haddii iskuul tahay haddii caafimaad ay tahay iyo haddey tahay nolol dadkii intaas ka ganacsanaayay ayaa nahay, waa dadkii uu matalaayay ra’iisulwasaaraha codsi qaas ah ayaa u direynaa waxaan leenahay ra’iisulwasaare waa hurudaayee hurdada ka kac ganacsiga jaadka eek a yimaada Itoobiya waa ganacsi baadil ah umaddii waa lagu dhibaateeyay inta halkaan fadhisa waxa ay wakiil ka tahay dadka Muqdisho jooga iyo hareeraheeda”.

Cabashada ganacsatadan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyada oo weli uu xayiranyahay Qaadka miraaga ahaa ee laga keeni jiray Kenya kaasi oo weli u xayiran arrimo la xariirka siyaasad.

Goobjoog News