U bood dhigaalka

Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo cabasho soo saaray

Sheeko:Dalka
Suuqa Bakaaraha
Suuqa Bakaaraha

Xoogsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa cabasho ka muujiyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay howlohooda caqabad ku yihiin.

Waxa ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen cabashadooda waqtiyo is xig xiga hase yeeshee aanay waxba ka soo bixin.

Ganacsatada ayaa qeylo dhaan ka muujiyay qaar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka oo ay sheegeen in si joogta ah ay lacago sharci darro ah uga qaadaan qeybaha kala duwan ee ganacsatada.

Mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Goobjoog FM ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato cabashadooda isla markaana ay si deg deg ah u soo fara geliso arinta ka taagan suuqa Bakaaraha

Bishii hore dabayaaqadeedii ayay ahayd markii ganacsatada suuqa Bakaaraha ay sameeyeen shaqo joojin sababtay in uu hakado dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqa Bakaaraha.