U bood dhigaalka

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo fariin u diray maamulka Gobalka Banaadir (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa maamulka gobalka Banaadir ka dalbaday inuu xil iska saaro ilaalinta hantida dadka shacabka ah ee suuqaasi ku ganacsada.

Mid ka mid ah ganacsatadaasi ayaa u sheegay Goobjoog in xalay dad aan la aqoonsan ay jabsadeen dukaan ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha oo ay qaateen hanti isugu jirta lacag iyo agab.

Saldhigga degmada Howlwadaag ayuu sheegay in ay ku war galiyeen oo ay u sheegeen sida ay wax u dhaceen.

Maamulka gobalka Banaadir ayuu ka codsaday inuu xil iska saaro ilaalinta hantida ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqa Bakaaraha.

Dhinaca kale ganacsadahaan ayaa sheegay in sidoo kale ay dhibaatooyin ku qabaan ciidamo qaada Canshuur oo qaarkoodna ka socdaan dowladda hoose, halka kuwo kalena aan la aqoon meel ay ka socdaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News