U bood dhigaalka

Ganacsatada Waratada Oo Cabasho Ka Ah Gaadiidka

Sheeko:Dalka

Ganacsatada wax ku iibiya hareeraha waddooyinka ayaa inta badan waxaa ay la kulmaan dhibaatooyin xoog leh oo uga yimaada dhanka baabuurta isticmaasho wadada.

Ganacsatada ayaa sheegaya in nolol maalmeedkooda ay ka soo saartaan waratada laamiga hadana waxaa jira caqabado badan oo ay la kulmaan sided gaadiidka wadada isticmaalayo oo mararka qaar wax gaarsiiya naftooda iyo ganacsigooda intaba.

Cabdullahi Nuur Cali oo ka mid ah ganacsatada Warata ayaa Goobjoog News u sheegay in gaadiidka Isticmaala waddooyinka ay ku ganacsadaan ay kala kulmaan dhibaatooyin xoogga oo mararka qaar salfada noloshooda.

“Laamiga waan ku ganacsannaa waxaan kala kulannaa dhibaatooyin badan balse waan iska dulqaadannaa mararka qaar waxaa ku dardaraya baabuur dhibaatooyinkaas waa ay jiraan balse waan iska dulqaadannaa”.

Maxamed Qatar waxaa uu ka mid yahay ganacsatada Waratada waxaa uu dhankiisa u sheegay Goobjoog News in gaadiidka ay kala kulmaan dhibaatooyin badan.

“Caqabadaha aan la kulanno waxaa ka mid ah in baabuur wadada iska Marayo ku dardaro markaasna ay alaabta kaa daadato”.

Ganacstada waratadaha ayaa awoodin in ay kireystaan Tukaamo ay ku ganacsadaan waxaa ayna door bideen in waddooyinka ay ku iibsadaan ganacsigooda.

Goobjoog News