U bood dhigaalka

Ganacsato Soomaaliyeed oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalka Koonfur Afrika, kadib weerarro saacadii la soo dhaafay lagu qaaday goobooda ganacsi.

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah, ayaa magaalada East london ee gobolka Eastern Cape, waxaa ay ku dileen ganacsade Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Axmed Jeete, xili lagu weeraray goobtiisa ganacsiga.

Sidoo kale waxaa caasimada dalkaas ee Johannesburg ka dhacay, dhaawac loo geystay muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii kooxo ay weerar ku qaadeen, ganacsada la dhawaacay ayaa lagu macaabaa Cumar Axmed Dhiblaawe.

Kooxihii burcada Koonfur Afrikaanka aya  weerarradaas ay geysteen kadib isaga baxsaday  goobtii  ay weerareen, ciidamad Booliiska oo howlgal sameeyey ayaa ku guul dareystay soo qabashada kooxahaasi, inta badan ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay weeraro ka dhan ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadankaasi u ganacsi tagay muddo ka hor.

Goobjoog News