U bood dhigaalka

Ganacsiga Degmada Afgooye Oo Hakad Galay Ka Dib Roob Halkaasi Ka Da’ay

Sheeko:Dalka

Roob saameyn ku yeeshay ganacsigii guud ee degmada Afgooye ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii ugu dambeeyay uu halkaasi ka da’ay.

Wariyaheena Maxamed Cabdi Xasan ee ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegay in suuqayada waaweyn ee degmada Afgooye, gaar ahaan kuwa qudaarta aanay wax shaqo ah ka jirin, maadaama wadooyinkii ay biyo fariisteen.

Waxaan shaqeyneen gaadiidkii qudaarta lagu soo daabulayay, iyadoo taasi noqotay caqabadda ugu weyn ee aan loo shaqeyn karin.

Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Afgooye ayaa Goobjoog News u sheegay in saameynta ugu daran ay tahay qiimaha qudaarta oo kor u kacay, maadaama qudaar kale aysan suuqa yaallin, kuwii beerahana aanba lasoo gurin.

Roobkaan ayaa ka da’ay meelo badan oo dalka ka mid ah, waxaana jira wadooyin badan oo xirmay.

Goobjoog News