U bood dhigaalka

Ganacsigii B/weyne Iyo Isku Socodka Dadweynaha Oo Dib u Soo Laabtay Kadib Maalmo Hakad Ku Yimid

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, meello ka mid ah muddo 7-aad ah waxaa hakad ku yara jiray ganacsiga, gaar ahaan goobaha ganacsi ee saaran Laamiga weyn ee magaaladaasi.

Maanta si caadi ah ayuu u billawday ganacsigii, waxaana gaadiidka dadweynaha la sheegayaa inay isticmaalayaan wadadaadii shalay dib loo furay.

Odayaal dhaqameed uu horboodayo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa shalay si rasmi ah ugu guuleystay inay furaan wadadaasi oo wixii ka dambeeyay 14-kii bishaan illaa shalay u xirneed maleeshiyaad hubeysan.

Magaalada waxaa dhinac looga saaray maleeshiyaadkaan oo ka carreysnaa dil magaalada Baladweyne loogu geystay sarkaal u shaqeynayay hay’adda Main Action ee qaramada Midoobay u qaabilsan Miino Baarista.

Dhinaca kale wararka aynu helayno waxay sheegayaan in gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax shalay gelinkii dambe uu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo laga yaabo in wax laga weydiiyo xiisaddii ka jirtay B/weyne.

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 7 xubin waxay u saartay inay soo baaraan dil 14-kii bishaan loo geystay Mahdi Xuseen Shiikhaal oo u shaqeynayay Hay’adda Main Action, waxaana dilkaasi ka dhashay xiisad sababtay in magaalada qeybo ka mid ah ay jidgooyo ka sameystaan maleeshiyaad hubeysan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News