U bood dhigaalka

Ganacsiyada Suuqa Islii Ee Nairobi oo Coronavirus Dartii Albaabada La isugu Dhuftay

Sheeko:Caafimaadka

Suuqa xaafadda islii ee magaalada Nairobi ayaa la xiray, sida uu sheegay guddiga Ganacsatada suuqa oo walaac ka muujiyay ” u hogaansan la’aanta ganacsada ee awaamirta wasaaradda caafimaadka” ee ku aadan ka hortagga xanuunka Coronavirus.

Suuqaan waxaa uu ka mid yahay goobaha ugu mashquulka badan magaalada Nairobi ,waxaana dadka ka dukaameysta ay ka yimaadaan gobalada dalka Kenya iyo wadamada dariska ah.

Gudiga ganacsatada ayaa sheeegay in wadatashi kadib ay go’aan ku gaareen in si ku meel gaar ah loo xiro suuqa si loo xakameeyo faafitaanka fayraska Corona .

Cumar Xuseen oo ka mid ah gudiga  oo u waramayey laanta BBC-da ayaa sheegay in sababta keentay xiritaanka suuqa ay tahay halis ka jirta suuqa oo ah in aaney dadku qaadan shuruudo iyo nidaam ay wasaaraddu caafimaadku horey ugu soo jeedisay.

Shuruudaha ay gudigu sheegeen in ganacsatadu ay jabiyeen waxaa ka mid ah in marka ay wax laga iibsanayo ay aheyd in dadku kala fogaadaan isla markaana ay isticmaalaan daawooyinka jeermiska dila ee gacamaha la marsado,iyadoo taa badelkeeda uu suuqa cariiri badan ka jiray .

Masuuuliyiinta cafimaadka ee dalka Kenya ayaa horay amar ku siiyay in macaamiisha la siiyo biyo iyo saabuun ay gacmaha ku dhaqdaan, lana hubiyo inay macaamiisha kala fgaadaan.

“Dadka badankood ma xirtaan walxaha wajiga lagu xirto kuwa gudaha ku jira iyo kuwa banaanka ka imaanaya gacmo dhaq fiican malahan oo saabuunta jeermiska disha malahan suuqyada badankood meela badana ma yaalaan dadka kala celintoodii iyo in ay hal mitir kala fogaadaan meesha kama jirto marka waxeynu dareenay in halis caafimaad ay ka imaan karto dadka isu socodkooda iyo nidaamka meesha ay dadku ka wadaan cudurkuna uu ka dilaaci karo hal qof oo Soomaali ah hadii uu ku dhaco in cudurkii uu si dhaqso ah u faafi karo dareen ah ayaan is tusnay ” ayuu yiri Cumar Xuseen.

Mas’uuliyiinta gudiga ganacsatada xaafadda islii ayaa aaminsan in talaabadaan suuqa lagu xiray ay dadka u noqon karto wayci galin ayna dareemi doonaan in sababta suuqa loo xiray ay tahay in aaney buuxin shuruudaha laga rabay ee looga gaashaamanayo Covid 19.

Inkastoo la xiray suuqayada waaweyn ee xaafadda haddana gudiga ayaa sheegay in talaabadan aaney saameyn doonin dukaamada lagu iibiyo cuntooyinka iyo dawooyinka oo ka mid ah adeegyada aaney bulshadu ka maarmin .

” Qofkii buuxin waaya shuruudaha laga rabo xaruuntiisa ganacsi waa xirnaaneysaa waxaa shaqeysan doono qofka buuxiya shuruudaha” ayuu yiri mar kale Cumar Xuseen.

Mid ka mid ah ganacasatada xaafadda islii oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdullaahi oo sidoo kale  BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aaney ku faraxsaneyn in la xiro suuqa isaga oo intaa ku daray in ay arrintaas sii kor dhin karto culeysyo haystay ganacsatada .

Xiritaanka ganacsiyada xaafadda Islii ee magaalada Nairopi ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa iyadoo wadamada dhaca bariga Afrika iyo Geeska lagu arkay kiisas badan oo xanuunka Coronavirus taas ayaa ganacsatadu go’aan ku gaareen wadatashi ay yeesheen in muddo ah in la xiro suuqa si loo badbaadiyo badqabka bulshada ganacsatada ah iyo ku u soo dukaameysi taga oo S oomaali u badan.

Goobjoog News