U bood dhigaalka

Koonfur Afrika: Muwaadinkii 3aad Oo Soomaali Ah Oo 2 Todobaad Gudahood La Dilo

Sheeko:Dalka

Muwaadin Soomaaliyeed oo ubax, rajo iyo shaqo-doon u tagey Capte Town ayey burcad madow ah oo  South Afrikaanka ah ku dileen magaalada Cape Town, midab-takoorkaasi oo ah midkii ay isla dadkaas ka gadoobeen.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa magaciisa la oranjiray Yuusuf Xassan Macallin sida uu inoo sheegay mid kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaa ku sugan waxaa uuna noqonayaa yuusuf ganacsadihii sadexaad oo wax kayar isbuuc lagu dilo dalkaas.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka ganacsata South Afrika oo la yiraahdo Cali Canshuur Xasan:

“Qadar yar ka hor  waxaa halkaan lagu dilay wiil la oran jiray Yusuf Xasan Macallin, waxa uu ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo meesha ka shaqeysta, inta maqal iyo muuqaalba u taqaan wiilkaas waxaan leeyahay wiilkaa Illaahay samir iyo iimaan haka siiyo, caawa oo bishu tahay 12.1.2017 ayaa la dilay, waxaa ka horreeyay wiil kale oo isna 10 January la dilay oo isla goobta lagu dilay ,waxaa ka sii horreeyay wiil kale oo la yiraahdo Ibraahim Xasan Isaaq oo ka horreyay 26 December la dilay”.

Cali waxa uu si gaar ah uga codsaday dowladda Soomaaliya in wax lagala qabto dhanka shuruucda oo aad loogu adkeeyay iney si sharci ah u shaqeystaan, waxa uu sheegay in mar kasta dad laga dilo cid South Africa la xisaabtantaana aaney jirin loona baahan yahay in xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ay joogaan raadintooda wax lagala qabto.

Dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada dalka South Africa ayaa ku shaqeysta xaalad adag oo markasta la fili karo in noloshoodu ay halis gasho, iyadoo in badan oo kami ahna la dilay qaar kalena hantidooda la dhaco si barer ah.

Dowladda federaalka ah ayaan la ogeyn xilliga ay arrintan ka hadli doonto, waa dhibaato aaney hadda u soo jeedin iney ka hadasho.

Goobjoog News