U bood dhigaalka

Gantaallada Iran Oo Walwal Ku Abuuray Mareykanka Iyo israaiil

Sheeko:Dalka

Aqalka cad ayaa sheegay in kulan dhexmaray ma’uuliyiin ka kala tirsan Mareykanka iyo Isaaiil ay walwal weyn ka muujiyeen horumarka ay iran ka sameyneyso barnaamijkeeda Nukliyeerka, mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in habdhaqanka Iran ee ku wajahan gobolka bariga dhexe uu yahay mid halis ah.

Aqalka cad ayaa daaha ka rogay in la taliyaha amniga qaranka mareykanka Jake Sullivan iyo dhiggiisa Isaariil  ninka lagu magacaabo Meir Ben-Shabbatay inay ku heshiiyeen in la dhiso koox si wadajir ah uga shaqeysa ama la socoto qatarrada kor dhaya oo ku saabsan iraan iyo isbaheysigeeda ku aadan kordhinta iyo horumarinta barnaamijka nukliyeerka.

Sullivan ayaa sheegay in masuul u dhashay Isaariil oo ku matalaya wadahadallada Wien oo si gaarana looga hadlayo heshiiskii Nukliyeerka in Mareykanka uu doonayo inuu soo celiyo heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 ay kala saxiixdeen Washintoon iyo Dahran.

Wafdi ka socda Israaiil ayna hogaaminayaa la taliyaha amniga Israaiil iyo Madaxa sirdoonka israaiil ayaa booqday washintoon isniintii la soo dhaafay sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee Israaiil, wafdigan ayaa la sheegay in ay fariin ka wadeen raiilsulwasaaraha Israaiil kaasi oo sheegay inuu ka soo horjeedo in washinton ay ku laabato heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay mareykanka iyo irahn.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la aaminsanyahay inuu taageerayo in israaiil ay xaq u leedahay inay is difaacdo.

Goobjoog News