U bood dhigaalka

Garaacista Carruurta Ee Waxbaraneysa Oo Laga Deyriyay

Sheeko:Dalka

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa ka deyriyay xilligaan garaacista carruurta ee waxbarashada ku jira, waalid iyo macallinba.

Muxudiin Axmed oo  cilmiga  psychology-ga  gaar ahaan qaybta barbaarinta carruurta  ka diyaariyey shahaadada Master-ka ayaa wareysi uu siiyay wariyaheena magaalada Hargeysa Cumar Serbia ayaa tilmaamay in garaacista carruurta ay bedesho maskax ahaan.

Waxa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in macallinka iyo waalidkaba ay waddooyin kale u maraan carruurta, islamarkaana ay ogaadaan in garaacista ay dhibaato geliso maskaxda canugga.

“Ilmaha marxalado buu maraa, qofka weyn iyo ilmaha isku mid ma ahan, hadii laga soo billaabo ilmaha maalinta uu dhashay illaa uu ka gaarayo 7 sano jir waxa uu ku nool yahay marxalado gooni ah, waxaa laga yaabaa mudadaasi waalid badan iyo macallimiin is weydiiyaan hadii aan la garaacin sidee lagu edbin karaa, ilmuhu wuxuu kaaga baahan yahay naxariis wax la yiraahdo hadii uu kaa dareemo inaad tahay qof naxariis u haya, maalinta uu wejigaaga ka arko in waxa uu sameynayo nacdo ilmuhu ma jeclaysano in mar kale waxaasi sameeyo, hadii uu 7 sano ka baxo oo illaa 13-sano jir gaaro dadku waxay yiraahdaan waa xaaladda uu u baahan yahay ul, ilmuhu xilligaasi waxbuu kala garanayaa, waa xaaladda loo baahan yahay in ilmaha qawaaniin la baro, waxa fiican iyo waxa xun” ayuu yiri Muxudiin.

Sidoo kale Muxudiin ayeeynu su’aalnay hadii ay jiraan marxalado ay ku bedalmi karto maskaxda carruurta marka la garaaco.

“Dabcan wuu jiraa, afarta ugu waaweyn hadaan kasoo qaato dhibaatada ay la kulmaan carruurta in la garaaco waxaa ka mid ah jir ahaan oo dhibaato soo gaareysa, in dhanka maskaxda saameyn ku yeesho oo dhan xun u shaqeeyo oo kaliya, in ilmahaan uu lasoo baxo ama uu kordho qeybta carada oo mar walbo dagaal sameeyo marka uu ciyaalka kale la joogo, inuu la yimaado dabeecad ka duwan tan bulshadeena, marka ilmaha la garaaco iyo kuwa aan la garaacin isku dhaqan ma ahan”

Muxudiin Axmed ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay macallimiinta Soomaaliyeed in aysan si awood ah wax ku barin carruurta yar yar, islamarkaana ay eegaan wadada ku haboon ee ilmaha wax lagu bari doono, sidoo kalena waxa uu sidaasi oo kale u booriyay waalidka carruurtooda garaaca.

Goobjoog News