U bood dhigaalka

Garabka Ahlu-sunna Ee Dhuusamareeb Oo Beeniyay Inay Ka Baxeen Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca, gaar ahaan garabkooda ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in madaxdooda sare ay ka baxeen degmadaasi.

Afhayeenka Maamulka ay sameysteen garabkaan Mursal Sheekh Maxamed Xeefow ayaa beeniyay in ay isaga baxeen magaalada Dhuusamareeb, waxaana hadalkaasi uu ku sheegay mid la doonayo in shacabka lagu qalqal geliyo.

“Degmada Dhuusamareeb meel aan uga baxnay malahan,  maamulka gobalada dhexe ayaa ku sugan, amniga waa mid hagaagsan meelo aan ku dhaweyn degmada ayeeyba ciidanka difaac uga jiraan, marka waa hadal la doonayo in dadka lagu qalqal geliyo” ayuu yiri Xeefow.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in degmada Dhuusamareeb ay habeen kahor ku kulmeen saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo madaxda ugu sareysa maamulkooda.

“Waa been saraakiil Itoobiyaan ah oo lala kulmay ma jiraan, hade warkaasi meesha aad ka maqasheen idinkaa og” ayuu yiri Afhayeenka.

Shalay wasiirka warfaafinta Galmudug waxa uu garabkaan ku eedeeyay in xiriir ay la leeyihiin dowladda Iran, islamarkaana dano gaar ah laga leeyahay gobalada dhexe, sidaa darteed ayaan Afhayeen Xeefow weydiinnay waxa warkaasi ka jira.

“Annaga maamul gobalada dhexe ah ayaan nahay, dowladda Iran waa dowlad ballaaran, waxaana wada hadal ama xiriir ay isku leeyihiin waa dowladda Soomaaliya, laakiin anaga waxaan cadeyneynaa in waxba aanay ka jirin arrinkaasi, midda kale Dastuurkeena waxaa ku qoran in madhabka Shaaficiyada wax aan ahayn aan gobaladaan lagu faafin karin” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Afhayeen Mursal Sheekh Maxamed.

Goobjoog News