U bood dhigaalka

Garabka Ahlu-sunna Ee Dhuusamareeb Oo Kasoo Horjeestay Heshiiskii Cadaado

Sheeko:Dalka

Garabka maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa kasoo horjeestay heshiis shalay degmada Cadaado ay ku gaareen maamulka Galmudug iyo Mas’uuliyiinta sare ee Ururkaasi ka mid ah.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo dhawaan garabka Dhuusamareeb u doorteen hogaamiyahooda ayaa mar uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in heshiiskaasi aanay iyaga wax shaqo ah ku lahayn.

Waxa uu tilmaamay in xubanaha saxiixay heshiiskaasi ay ahaayeen kuwo markii hore la shaqeynayay maamulka Galmudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Heshiiskaasi annaga wax shaqo ah kuma lihin, Ahlu-sunna maamul dadka oo dhan ay ku wada qanacsanyihiin bay sameysatay, midda kale dadka heshiiska saxiixay waa kuwo la shaqeynayay dadka ay la heshiiyeen, anaga Cadaado waxa ka dhacay kuma qanacsanin, caalamka ayaa la doonayaa in lagu marin habaabiyo” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Shalay ayaa mas’uuliyiin sar sare oo ka mid ah Ahlu-sunna Waljameeca waxa ay heshiis awood qeybsi ah la galeen maamulka Galmudug State.

Garabkaan Ahlu-sunna ee heshiiska diiday ayaa Hubeysan, waxaana ay gacanta ku hayaan degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Goobjoog News