U bood dhigaalka

Garabka Barre Hiiraale oo ku tilmaamay shirka Kismaayo mid lagu jah-wareerinayo shacabka

Sheeko:Dalka
Barre Aadan Shire (Hiiraale)
Barre Aadan Shire (Hiiraale)

Garabka mucaaradka ah ee uu hogaamiyo hogaamiye kooxeed hore Kornel Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa shaaciyay in shirka ka furmaya Kismaayo uu yahay mid lagu jah wareerinayo shacabka Jubbooyinka iyo Gedo.

Cabdi Shire Warsame oo ah wakiilkii Barre Hiiraale u matalayay shirka wajigiisii 1-aad ee ka furmay Muqdisho ayaa sheegay in shirkaasi dib loo dhigay isaga oo tilmaamay in shirka maanta la qorsheynayo uu yahay mid sida uu sheegay lagu jah wareerinayo shacabka.

Waxa uu intaasi raaciyay in beesha caalamka ay xog ogaal u tahay xilliga loogu tala galay in uu shirku toos uga furmo magaalada Kismaayo oo uu sheegay in dib loo dhigay.

Shalay ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ka soo saareen hadallo ay kaga soo hor jeedaan shirka maanta ka furmaya Kismaayo.