U bood dhigaalka

Garabka Mahdi Guuleed Oo Doortay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Gobalada Waqooyi

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi garabka Mahdi guuleed ayaa goordhaw magaalada Muqdisho ku doortay gudoomiyaha guddigaas.

Khadar Xariir Xuseen ayaa loo doortay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, halka Nagiib Xuseen Samaale, loo doortay gudoomiye ku-xigeenka guddiga.

Khadar Xariir ayaa waxaa u tanaasulay musharixii kale ee la tartamayay, sidaas ayaana garabka Mahadi Guleed ay ku doorteen.

Doorashadaan oo ka dhacday teendha ku taalla Afisyooni, waxaana goobjoog ka ahaa xubna ka tirsan Beesha caalamka, Mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir, Taliska Booliska iyo Warbaahinta.

Dhanka kale garabka Cabdi xaashi ayaa diiday in ay ka qeyb galaan doorashadaan, xilli ay sheegen in aysan aheyn mid cadaalad ah.

Goobjoog News