U bood dhigaalka

Garbahaaray: Maxamuud Sayid Aadan oo ka badbaaday isku day dil

Sheeko:Dalka
Maxamuud Sayid Aadan
Maxamuud Sayid Aadan

Koox hubaysan ayaa weerar xalay ku qaaday hoy magaalada Garbaharay uu ka deganyahay siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo ka qeyb galaya shirka ka socda magaalada Garbaaharay.

Ilaalada siyaasigan iyo kooxda weerarka soo qaaday ayaa is waydaarsaday rasaas taas oo qal qal galisay ammaanka magaalada uu shirka ka soconayo.

Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka labada dhinac ku dhex maray magaalada Garbaharay.

Maamulka gobolka Gedo wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay is rasaaseyntan sooma saarin.

Qof ku sugan magaalada Garbahaaray oo ay la xiriirtay Goobjoog FM ayaa xusay in dadka magaalada ay si wayn u hadal hayaan isku dayga dil ee uu ka badbaaday Maxamuud Sayid Aadan.

Siyaasigan ayaa ku magacaaban ku xigeenka madaxwaynaha maamulka lixda gobol ee kol hore looga dhawaaqay Baydhabo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa xildhibaan ka soo noqday dowladii ku-meel gaarka ahayd ee madaxwayne Shariif Sheekh Axmed.