U bood dhigaalka

Garbahaaray oo laga mamnuucay in hubka lagu dhex sito

Sheeko:War

Maamulka degmada Garbahaaray ee gobalka Gedo ayaa mamnuucay dhammaan noocyada kala duwan ee hubka lagu dhex sito gudaha magaalada Garbahaaray.

Guddoomiyaha degmada Garbahaaray Iimaan Cadow ayaa u sheegay Goobjoog FM in ciidamada dowladda amar buuxa lagu siiyay in ay k sugnaadaan saldhigyadooda marka laga reebo xilliyada loo baahdo oo uu maamulka sameynayo howlgallo gaarah.

Cadow ayaa cod dheer ku sheegay in maamulku uusan u dulqaadan doonin ciidamada ka tirsan dowladda ee hubka ku dhex sita meelaha ay dadka isugu yimaadaan ee magaalada, isagoo sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan qofkii jabiya amarka maamulka.

Hadaka guddoomiyaha degmada Garbahaaray ayaa ku soo beegmaya xilli maalinimadii khamiistii ee la soo dhaafay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagay degmada Garbahaaray.