U bood dhigaalka

Garbahaarey: Ciidankii Dagaallamay Oo La Heshiisiinayo

Sheeko:Dalka

Culimada iyo Waxgaradka degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa wada dadaalo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisada colaadeed oo maalmahii ugu dambeeysay ka taagneyd degmada Garbahaarey, iyadoo xiisadaasi ay sababtay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ay u dhaxeysaa Askar ka wada tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugan Magaaladaasi oo u abaabulan Qaab beeleed.

Culimada ayaa ilaa iyo hadda waxay ku guuleysteen in heshiis xabad joojin ah ay kala dhex dhigaan Labada dhinac, in la kala qaado Ciidamada u abaabulan hab beeleedka, islamarkaana ay ku laabtaan difaacyadooda iyo in la bilaabo wadahadal la xariira sababtii keentay dilka haweeneyda ganacsatada ahayd oo Askarigii dilay uu xiran yahay.

Goob joogayaal ku sugan Garbahaarey ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in Labada dhinacba ay aqbaleen Qodobada heshiiskii ay u soo bandhigeen Culimada, haatanna xaaladda degmadu ay tahay mid degan.

Dhinaca kale Odoyaal iyo waxgarad ku sugan Magaalada Garbahaarey ayaa soo saarey Baaq nabadeed oo ku aadan Xiisadda ka taagan Garbaharey ee u dhaxeysa Ciidamada dowladda Federaalka, waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo wax kasta oo colaad abuuri kara, islamarkaana dhibaatooyinka taagan lagu dhameeyo wadahadal.

Nabadoon Mahad Macalin Cismaan oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo la hadlayay Warbahinta ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara iska hor imaadyo hubaysan oo ka dhacay deegaanka, waxaana uu ugu baaqay labada dhinac in ay joojiyaan Colaadda, islamarkaana ay u hogaan samaan dadaaladda nabadeed ee ay hurmuudka u yihiin culimada deegaanka.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii iska horimaad hubaysan uu gudaha magaalada Garbahaareey uu ku dhex maray askar ka wada tirsan ciidamada dowlada soomaaliya oo ay ku dhinteen ilaa Labo Askari, halka ilaa 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News