U bood dhigaalka

Garooje “Shaqo Wanaagsan Ayay Qabteen Maamulka Isboortiga Diinsoor ”

Sheeko:Cayaaraha

Bishii lasoo dhaafayee Luuliyo 2020 degmada Diinsoor ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa lagu soo xeray tartan kubbadda cagta oo u socday kooxaha ka dhisan degmada,waxaan qabsoomida ciyaarahaas is dhaxgalka bulshada soo dhaweeyay bahda isboortiga iyo dadka ka soo jeeda Gobolka.

Guddoomiyihii kooxda Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) sidoo kalane ah aas aasaha iyo maamulaha xarunta goolhayaasha Soomaaliya ee (Garoje Goalkeeping Academy) ayaa dhiiri-geliyay tartankii dhawaan soo idlaaday,isagoo sheegay in loo baahan yahay in la horomariyo isboortiga Diinsoor iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

“Runtii maamulka iyo xiriirka kubbadda cagta Diinsoor waxa ay sameeyeen shaqo wanaagsan oo loo baahnaa waxaan bogaadinayaa tartankii kubbadda cagta ee loo qabtay kooxaha ka dhisan Degmada Garoje Goalkeeping Academy wuxuu dhiirigelinayaa howlaha horomarinta isboortiga Diinsoor wuxuuna madaxda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Soomaaliya ugu baaqaya in la taageero qorshayaasha lagu kobcinayo isboortiga Gobolka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay mudane Garooje.

Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Xogta Tartankii Ku Qabsoomay Diinsoor

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/maamulka-isboortiga-degmada-diinsoor-ee-gobolka-baay-oo-soo-xirey-tartan-u-socday-kooxaha-kubbadda-cagta/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle