U bood dhigaalka

Garoomada Yar Yar Ee Lagu Ciyaaro Kubadda Cagta Oo Kusoo Badanaya Cadaado

Sheeko:Dalka

Waxaan ku suganahay mid ka mid ah garoomada Salaxa ee lagu ciyaaro kubadda cagta oo dhawaan laga hirgeliyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, xilligaan ciyaar baa socota waana Sagaalka Fiidnimo.

Inta badan waxaa habeenkii halkaan ku ciyaara dadka aan fursadda heli karin maalintii sida kuwa shaqeeya ama waxbarta.

“Waad dareemi kartaa xilligaan aan kubadda ku jirno oo Seddax saac ah, maalintii ma ciyaari karno sababtoo ah waan shaqeynaa, marka xilligaan ayaan iska ciyaarnaa, dad waxaa jira saaxiibo gaar ah aan nahay waan is wacannaa oo waan isku imaannaa si aynu u ciyaarno” sidaasi waxaa ii sheegay Cali oo ka mid ah dhallinyarada aan kula kulmay garoonkan.

Cabdiraxmaan Macallin Koronto oo isaguna ka mid ah dhallinyarada aan halkaan kula kulmay ayaa sidaan ii sheegay “maadaama aan nahay dadka shaqeeya maalintii, faa’ido badan baan ku qabnaa salaxan, waxaan helnaa jimicsi wanaagsan waxaan isku imaanna xilliga aynu jaaniska leenahay, garoomadan waa kuwo leh adeegyada loo baahan yahay”

“Magacaygu waa Cabdi Shaafi, aniga galab iyo habeen waan dheelaa, markii hore barxadaha ayaan ku dheeli jirnay oo mararka qaar dhaawacyo naga soo gaarayey laakiinse salaxan waa mid diyaarsan oo dadka ay ku dheelayaan niyad iyo farxad”

Cabdisalaan Xuseen Shuuriye waxa uu ka mid yahay milkiilayaasha Garoomada Salaxa ah ee laga hirgeliyay degmada Cadaado, waxaan weydiiyay waxa ku kalifay dhismaha garoonka iyo faa’idada ugu jirta.

“Garoomadan dhawaan ayaa laga hirgeliyay magaalada Cadaado, sida aad arkayso waxaa ku ciyaaraya dhallinyaro kala duwan oo daafaha magaalada ka kala yimid, ragga da’da ah ee inta badan cuslaaday ayaa iyaguna waqti kireystay, salaxan inaan dhiso waxaa iga dhiirageliyay markii aan arkay inuu yahay horumar magaalada ka maqan, waxaana ahaa qofkii ugu horreeyay ee magaalada ka fura, dhallinyarada cuslaatay waxay u baahnaayeen salax sidaan oo kale ah oo ay ku ciyaaraan kubadda, waxaa markiiba geli karta 10 qof oo kooxdiiba 5 ay tahay” ayuu yiri Shuuriye.

Wasaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Galmudug ayaa dhankeeda waddo qorshe Isboorto oo ay kaga faa’ideysanayso is dhexgalka bulshada sida uu Goobjoog News u sheegay agaasimaha wasaaraddaasi C/qani Xuseen Dhoore.

“Runtii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Galmudug waxbadan bay qabatay wax badan kalena waa ay rajeynaysaa, Ciyaaraha waa is dhexgalka bulshada, waxa uu sababa qeymaha ugu horreeya ee nabadda, dadka ciyaaraha ku dhex jira waxyaabo badan ayeey dadka kale dhaamaan, annaga waxyaabo badan baan ka qabannay arrimaha dhallinyarada gaar ahaan dhanka ciyaaraha” ayuu yiri Agaasime C/qani.

Kaliya ma ahan meelaha ay kusoo badanayaan garoomada salaxa ee lagu ciyaaro kubadda cagta magaalada Cadaado ee waxaa jira meello badan oo ka mid ah dalka oo sidaan oo kale looga hirgeliyey.

Daahir Faarax Axmed

Goobjoog News

Cadaado, Galgaduud