U bood dhigaalka

Garoon Diyaaradeed oo Laga Dhagaxdhigay Matabaan iyo Cali Guudlaawe oo Baaq Diray

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha garoonkaan uu muhiim u yahay isu socodka bulshada, ganacsiga deegaankana uu horumar muuqda kusoo kordhin doono.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada,hay’addaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in loo istaago dhismaha garoonka diyaaradaha ee Degmada Matabaan.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shalay gaaray degmada isaga oo kulan la qaatay bulshada qeybaheeda kale duwan, waxaana ugu baaqay in laga wada qeyb qaato hormarka degmada.
Goobjoog News