U bood dhigaalka

Garoonka Aden Cadde: Hanti Ku Burburtay Isku dhaca NISA iyo Hey’adda Socdaalka

Sheeko:Amniga

Hanti dadweyne ayaa ku burburtay iska dhac goordhow dhex maray ciidamo ka tirsan hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo hey’adda socdaal iyo jinsiyadaha.

Wararka ayaa sheegaya in NISA ay gudaha usoo gashay garoonka kadibna ay isku dhaceen hey’adda socdaalka halkaasina uu ka dhashay burbur hanti qaran oo ay ku jiraan qalabkii lagu shaqeynayey.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo la hadlay Goobjoog News, isla markaana codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in muranka uu socday ilaa shalay, kadib markii ay la isugu dhacay baarista gabar blogger ah iyo rag ajaanib ah oo la socday.

Dhacdadan oo saameyn ku yeelatay shaqada garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka ayaa la sheegayaa iney jiraan sidoo kale dhaawacyo arrinkan ka dhashay.

Goobjoog News