U bood dhigaalka

Garoonka Aden Cadde: Shaqaalaha Qeybta Hagista Diyaaradaha Oo Shaqo Joojin Sameeyey

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta shaqo joojin sameeyey shaqaalaha qeybta hagista diyaaradaha ee garoonka Aden Cadde  ee magaalada Muqdisho.

Shaqo joojintan ayaa ka billaabatay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay shirkad maamusha garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Soomaalida ah.

Arrintan waxaa ay ka dambeysay kadib markii masuuliyiinta shirkadda Favori oo maamusha garoonka Aden Cadde ay shaqada ka eryeen horjoogihii shaqaalaha hagista diyaaradaha. 

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu salka ku hayo khilaafka shirkadda iyo horjoogaha shaqaalaha, hase ahaatee waxaa in muddo ahba soo kordhayay cabashada ay shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka ka qabeen shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Goobjoog News