U bood dhigaalka

Garoonka Balli-Doogle oo Lagu Tababarayo Ciidamo Kumaandoos ah

Sheeko:Dalka

Garoonkii hore ee ciidamadda cirka Soomaaliya ee Balli-Doogle oo qiyaastii 100km dhanka galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya tababar heer gabogabo ah maraya oo lagu soo saarayo ciidamo kumaandoos ah kuwii ugu horeeyey oo ay Soomaaliya yeelato kadib 1991-dii.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jimcihii booqdey garoonka ayaa aad u ammaanay halka ay hawsha mareyso, sheegeyna in uu aad ugu faraxsanyahay waxa meesha ka socda.

“Waxa Balli-Doogle ka socda waa asaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegey in kaalmo caalami ah oo dhameystiran halkaasi lagu bixiyey.

Ma uusan magacaabin halka ay kaalmada ka timaado, laakiin waxaa la fahamsanyahay in dowladda Mareykanka ay maalgaliso barnaamijka lagu tababarayo ciidamada Kumaandooska oo lagu magacaabo Danab.

Dhawaan Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid ayaa magaalada Washington kula kulmey ku xigeenka xoghayaha difaaca Mareykanka Mr. Work, kaasi oo soo hadal qaaday arrimaha ciidamada Danab ee Balli-Doogle lagu tababarayo.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday halka ay mareyso hawsha dhismaha ciidan qaran oo xoogga dalka, waxa uu sheegey in la dhisey guddi isku dhafka ciidamada oo hadda hawlo ka haya gobolada dalka qaar, ujeedkana ay tahay sidii la’isugu dhafi lahaa ciidamadda.

“Waxaan rabnaa in aan aragno xero ay ku jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo marka la yiraahdo yaa tahay aanan laga heleynin labo isku reer ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka baahida ciidamada ayuu sheegey in ay ka hooseeyaan kuwa AMISOM wax ay helaan, balse AMISOM lafteed aysan helin waxa ay helaan ciidamada kale ee nabad illaalinta u jooga meelaha ee caalamka, sidaasi darteedna ay tahay in la sabro.

Xagga isbaarooyinka ayuu sheegey in wali ay jiraan meelo isbaarooyin ay yaalaan, isaga markii uu safreyna uu ka shaqeeyey sidii isbaarooyinka loo qaadi lahaa.

Goobjoog News