U bood dhigaalka

Garoonka Camp Nou Oo Magaca Laga Beddelayo, Shirkadda La Wareegeysa & Lacagaha Ay Ku Heli Doonto Kooxda Barcelona

Sheeko:Cayaaraha

Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Barcelona waxa ay qarka u saaran tahay inay heshiis saddex sanadood tixnaanaya la gasho Shirikadda Muusigga ee Spotify oo la gareegeysa magaca garoonka Camp Nou.

Dhibaato dhaqaale oo aad u daran ayay dhexda kaga jirtaa Kooxda Barcelona, waxaana la soo sheegayaa inay meesha ka saari doonto magaca garoonkeeda Camp Nou ee muddada dheer soo jiray, iyadoo magac kale uu xagga dambe ka raaci doono xagaaga dambe.

Sida ay warinayso warbaahinta RAC1 heshiiskan saddexda sanadood soconaya ayaa sida qorshuhu yahay la filayaa in la dhammaystiro isbuuca soo aaddan, iyadoo Barca ay heshiiskan sanadkii ku qaadan doonto lacag dhan 93 milyan oo euro.

Waxa ay taasi ka dhigan tahay in lacagaha ay heli doonto Barcelona saddexda sanadood oo ay ka qaadan doono Shirkadda Spotify ay tahay 280 milyan oo euro.

Labiska Kooxda Barcelona ay ku ciyaarto & kuwa tababarka Ragga iyo Haweenka labadaba ayaa lagu qori doonaa Magaca Spotify, muddadaas saddexda sano ah oo uu heshiiskani socdo, iyadoo magaca garoonkuna uu noqon doono Camp Nou Spotify.

Waxa ay Shirkadda Spotify beddeli doontaa Shirkadda kale ee Rakuten oo ay hadda heshiiska kula jirto Barcelona, waxaana qandaraaska ay kooxda reer Spain kula jirto Rakuten uu ku eg yahay bisha June ee sanadkan.

Barcelona waxa ay shirkadda reer Japan sanadkii ka qaadan jirtay adduun dhan 55 milyan oo euro, balse heshiiskaas qeyb kama ahayn kooxda dumarka ee Barca oo iyaduna xayeysiisa shirkadda laga leeyahay dalka Maraykanka ee Stanley oo sanadkii bixisa lacag dhan 3.5 milyan oo euro.

Shirkadda Spotify oo haatan la warinayo inay la wareegeyso magaca garoonka Camp Nou ee kooxda Barcelona waxaa isla leh bilyaneerka reer Sweden ee Daniel Ek oo horay u doonayey inuu iibsado kooxda Arsenal, iyadoo haatan xiddigihii hore ee Gunners ay u ololeynayaan in Ek oo taageere weyn u ah kooxda Premier League uu la wareego Arsenal isla markaana maalgelin weyn ku sameeyo si ay kooxda reer London ugu tartanto hanashada horyaalka Premier League oo ay ugu dambeysay 19-sano ka hor.

Goobjoog News